WARGELIN: Isbeddelka shaqo ee Covid-19 nagu yeeshay
Macaamiisha sharafta leh,
Sida aad la wada socotaan feyraska corona ee loo yaqaan Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay dhammaan dadka adduunkan ku nool daafihiisa, islamarkaana qatartiisu soo gaartay dalkeenna Soomaaliya iyo walaaca laga qabo faafidda cudurka ee bulshada ayaa annaga oo si taxaddar iyo foojignaan ku jirto u gaarnay go’aanno adag oo saldhig u ah badqabka shaqaalaha iyo macaamiisha shirkadda.
Maamulka shirkadda Daauus wuxuu go’aan ku gaaray laga billaabo maanta oo ah Axad, ku beegan 12 April 2020 arrimaha hoos ku xusan:
1. In macaamiisha ay shaqada u socoto aysan imaan karin xarunta shirkadda, waxaana ugu adeegaynaa qaab online ah, kaas oo uu idin kala shaqeyn doono xafiiska qaabilaadda macaamiisha.
2. In aan macaamiisha ugu adeegi doonno iyaga oo guryahooda jooga, anaga oo heegan u ah, islamarkaana adeegsaneyna tiknoolajiyadda casriga ah.
3. Sidoo kale waxaan ganacsiyada macaamiisheenna ah xilligan adag ee lagu jiro siineynaa qiimo dhimis %30 dhammaan adeegyadeenna naqshadeynta.
4. Shirkaddu waxay fasaxday qaar kamid ah shaqaalaheeda, halka kuwa macaamiisha u adeegayana ay ku hubisay inay kala fogaadaan, iyadoo agaasintay kulamo wacyi gelin oo shaqaalaha shirkadda looga wacyi gelinaayo halista feyraska Covid-19.
Waxaan la wadaageynnaa dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan walaaca, walbahaarka iyo murugada ay dareemayaan xilligan adag ee lagu jiro. Waxaan Alle weydiisaneynaa inuu dhibaatada feyraskaan na hareeri mariyo. Inta xanuunsan caafimaad deg-deg ah siiyo. Aamiin.
Wixii faah-faahin dheeraad ah ee ku saabsan adeegyada shirkadda Daauus, fadlan naga soo wac +252 619 90 6669 / +252 613 90 6669 / +252 615 90 6669 ama noo soo dir email info@daauus.so.
Mahadsanidiin. Badbaado Alle.